Sign in to follow this  
Deeq A.

Iiraan Oo Beenisay Inay Ka Dambeysay Weerarkii Lagu Qaaday Xarumaha Shidaalka Sucuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Iran)-Dowladda Iiraan ayaa beenisay eedeyn uga timid Mareykanka oo aheyd inay xukuumada Tehran ay ka danbeysay weerarkii lagu qaaday laba xarun oo laga soo saaro shidaalka oo ay leedahay shirkada Aramco.

15685689311bf2b.jpg

Weerarkan oo dhacay Sabtidii ayaa mas’uuliyadiisa waxaa sheegtay dagaalyahanada xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Dhanka kale dowladda Sacuudiga ayaa ku guulleysatay inay dib u howlgaliso xarumaha Abqeyq iyo Khureys oo dab ka kacay markii diyaaradaha duqeeyeen.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa qoraal uu ku soo qoray barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku sheegay in Iiraan ay bilowday in ay weerarto xarunta ugu weyn ee laga soo saaro tamarta Adduunka.

Marka laga soo tago eedeynta uu u jeediyay Iiraan hadane ma jirto caddeyn uu soo bandhigay xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Mike Pompeo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this