Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar Qof Oo Soomaali Ah Oo Lagu Dilay KENYA Kadib-na La Gubay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in illaa afar qof oo Soomaali ahaa ay ku dileen gobolka Tanariva ee dalka Kenya, kadibna ay gubeen.

gUB-324x235.png

Rag hubeysan oo aan illaa iyo hadda la garan ayaa la sheegay in ay fulieen dilkaasi arxan darrada ah.

Afarta qof ee la toogtay, kadibna la gubay meydadkooda ayaa 2 ka mid ah waxay ahaayeen walaalo, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay, Xuseen Cali iyo Mustaf Cali.

Sidoo kale labada qof ee kale ayaa la sheegay in ay ahaayeen darawallo ka shaqeeya qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Lama oga sababta loo dilay dadkaasi, iyada oo ay arrintan walaac badan ku abuurtay dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobolka Tanariva.

Dhanka kale ehellada dadkaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay dowladda Kanya inay gacanta lagu soo dhigto kooxihii ka dambeeyey falkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga Kenya oo ku saabsan dhacdadaasi, basle waxa ay saraakiisha dalkaasi sheegeen inay baadhi doonaan falkaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this