Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaxootiga Itoobiyaanka Ee Ku Sugan Israa’iil Oo Dibadbax Xooggan Dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Israa’iil)-Dadka Itoobiyaanka ah ee ku nool Israa’iil oo isir naceyb xooggan kala kulmaya dadka asal ahaan u dhashay dalkaasi ayaa dibadbax xooggan ka dhigay magaalada Natanya.

1568570989a220a.jpg

Dadkaan ayaa dalbanaya in cadaalada la marsiiyo wiil 19 jir ah oo lagu magacaabi jiray Solomon Teka oo laba bilood ka hor askari booliska ka tirsan uu toogasho badheedh ah ku Dilay.

Banaanbaxayaasha oo watay shumac iyo sawirka wiilkan ayaa iskugu baxay habeenimadii xalay mgaalada waqooyi ee Natanya iyaga oo ku qeylinayay cadaalad ha helo Solomon.

Dilkaan ayaa dhacay bishii June markaasi oo muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ee ku sugan Israa’iil dhigayeen falal ay kaga soo horjeedaan midabtakoorka ay la Kulmayaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this