Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyeyaal Oo Ka Tirsan Ururka Taliban Oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay Dalka Afghanistan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Afghanistan)-Millatariga Afghanistan oo taageero ka helaya ciidanka Mareykanka ayaa dilay laba hoggaamiye oo ka titsan ururka Taliban, kadib howlgal ka dhacay waqooyiga galbeedka Dalkaas.

619eb71b-20f8-4b18-83da-2cb788bc67e9

War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda difaaca Afghanistan, ayaa lagu xaqiijiyay in Mawlawi Nuuradiin iyo afar sargaal oo kale lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ah dhacday degmada Dara-e-Soof Payeen.

Dhanka kale afhayeenka ururka Taliban Sabiixullaahi Mujaahid ayaa beeniyay warkan, waxaana uu sheegay in uu nool yahay Mawlaawi Nuuradiin oo ah waaliga waqooyi ee ururka Talibaan.

Duqeyntan ayaa imaaneysa kadib markii Mareykanka uu ka baxay heshiiskii nabada ee uu hore ula galay Ururka Talibaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this