Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahin: Askari Ka Tirsan Ciidammada Somaliland Oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Laascaanood Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Laascaanood)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Nin ku hubeysnaa Bastoolad oo xalay gudaha Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ku dilay Askari ka tirsnaa Ciidanka Asluubta Somaliland.

Lasanod_town-584x430.jpg

Dilkaas ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka xabsiga Laascaanood, isla markaana ninka hubeysnaa uu rasaas dhowr ah ku furay Askari ka tirsanaa Ciidanka Asluubta xili uu halkaas ku sugnaa Badhtamaha Magalada, isagoona goobta ku geeriyooday.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay in rasaasta lagu furay Askariga dhaawac uu ka soo gaadhay qof shacab ah oo la tilmaamay in Haweeney ay aheyd, waxaana loolal cararay Cisbitaalka guud ee Laascaanood.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa xalay waxaa ay howlgalo kala duwan ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Laascaanood, iyagoo ku raadinayay qofkii ka dambeeyay dilkii halkaas ka dhacay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool oo ay uga hadlayaan dilkii loo geystay Askari ka tirsanaa Ciidanka Asluubta Somaliland iyo howlgalkii xalay laga sameeyay halkaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this