Sign in to follow this  
Deeq A.

Ammaanka M/ Dhuusamareeb oo la adkeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa ku warramaya in saaka aad loo adkeeyey amniga magaaladaasi.

Ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa la sheegay in ay la wareegeen xarumaha muhiimka ah ee degmada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Ujeeda ciidamadan ayaa ah sidii ay u sugi lahaayeen amniga, maadaama maanta uu Madaxweynaha Soomaaliya ku wajahan yahay halkaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo xiri doono shirka dib u heshiisiinta ee dowlad goboleedka Galmudug.

Shirkan oo looga hadlayey arrimaha dib u heshisiinta ayaa waxaa ka qeyb galaya 11-ka beelood ee daga deegaanada maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this