Deeq A. Posted September 16, 2019 Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dil xalay suuqa Bakaaraha loogu geystay askari ka tirsanaa ciidamada Minashiibiyada ee dowladda Soomaaliya. Dilka ayaa waxaa fuliyey rag ku hubeysnaa Bistoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Ciidamo ka tirsan kuwa Boolika degmada Howlwadaag ayaa dilka kadib gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano ka sameeyey halkaasi. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay dilka askarigaasi, sida lagu baahiyey boggagooda Internet-ka. Weli ma jiro wax hadal ah oo ay laamaha ammaanka Soomaaliya ka soo saareen dilkaasi oo qeyb ka noqonaya falal ammaan dari oo maalmihii dambe ka dhacayey Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites