Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Cumar Filish oo la kulmay xildhibaannada beelaha HAWIYE ee BF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa xalay kulan la qaatay qaar ka mid ah xildhibaannada beelaha Mogadishu Clan ee baarlamanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii xildhibaannada Mogadishu Clan ay ula shaqeyn lahaayeen maamulka gobolka Banaadir, looguna midoobi lahaa in magaalada amnigeeda lasugo iyadoo laga mideysan yahay.

Cumar Filish ayaa xildhibaannada u sheegay in xilka uu ka hayo gobolka uu ayaga ku matalo, balse qof kasta ay muhiim tahay inay talo ka gaysato sidii gobalka Banaadir looga saari lahaa marxaladaha amni xumo ee haysata.

Cumar Filish ayaa isku dayaya inuu wanaajiyo amniga gobolka, si taasi ay u suurta-geliso in la furo waddooyinka xiran ee magaalada, oo shacabka ay aad u dhibsadeen.

Xildhibaannada iyo duqa Muqdisho ayaa isku raacay in ay si joogta ah u kulmaan la iskuna xirnaado, si looga wada shaqeeyo danta dadka gobolka u dhashay.

Xildhibaannada la kulmay Filish ayaa u badnaa kuwa kasoo jeeda beesha Mudullood iyo qaar ka mid ah kuwa beesha Habar-gidir, inkasta oo ay kulanka sidoo kale joogeen xildhibaano kasoo jeeda beelaha kale ee Mogadishu Clan.

70589680_2377296709177742_29861335651057 71209078_2377296859177727_90943317673760 71051472_2377296815844398_82940809495455 69560282_2377296779177735_65433109065524 70445508_2377296739177739_50560083437729

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this