Sign in to follow this  
Deeq A.

60 ka mid ah odayaashii u tagay Shabaab oo la keenay Xamar laguna wareejiyey DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee Gobalka Shabeelada Dhexe ayaa magaalada Muqdisho u soo wareejiyay qaar kamid ah odayaashii dhaqanka ee u tagay Al-Shabaab, kuwaas oo ay Milateriga Soomaaliya horraantii bishaan ka qabteen degaanka Ceel-baraf  ee gobolkaas.

Qaar ka mid ah waxgaradka gobalka Sh/Dhexe ayaa Caasimada Online u sheegay in odayaashaan oo gaaraya ku dhowaad 60 qof islamarkaana laga soo qabtay Ceel-baraf ay la wareegtay dowladda Soomaaliya, waxayna arrintaan ka dambeysay kadib markii saraakiisha Milateriga oo haayay ay keeneen Muqdisho.

Mid kamid odayaasha dhaqanka ee gobalka Sh/Dhexe oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa noo sheegay in halkaan ay u yimaadeen sidii loo sii deyn lahaa waxgaradka xiran oo ay la soo wareegtay dowladda Soomaaliya.

“Odayaashu, waa ku dhawaad 60 qof oo halbeel ka soo jeeda waxaana laga qabtay Ceel-baraf waxaana loo soo wareejiayay Muqdisho” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka aan la hadalnay oo soo gaaray Muqdisho.

“Dowladdu, Al-Shabaab kama celin karto odayaasha waana xireysaa, waxaase iiga sii daran in odayaashii u tagay oo dhan aan la xiran laakiin hal beel la beegsado” ayuu hadalkiisa sii raaciyay nabaddoonka aan lahadalnay.

Muddo ku dhow 15 cesho ayay odayaashaan dhaqanka ku jiraan xabsi ku yaala magaalada Muqdisho iyo kii laga soo wareejiyay ee gobalka Sh/Dhexe sida ay noo sheegeen ehellada odayaasha xiran. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo arintaan ku saabsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this