Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilaahay Baa Deeq Baxshee, Cirdiga Iyo Nafta Ban’iaadmaka Ka Daaya Mashruucaysiga!!!

Recommended Posts

Deeq A.   

Shalay Xayaysiisku Wuxu Ahaa Galmo Oo Dhan Iyadoo Kufsi Lagu Soo Gabbanayo;

14046932-8D20-46D6-B606-890B759D809E.jpe

Maantana In Qofku Nafta Iska Jaro; Waa Sidaa Arrinku Marka Dhaqanka NGO Gu Kula Fogaado; Mashruucaysi Baa La Yidhaa; Waar Ilaahay Baa Risiqa Bixiyee Ha Iska Soo Xambaaranina Dhaqanada Iimaan-Laawayaasha Ku Badan!!!

Waxa Xigi In La Sameeyo Xogo Iyo Tirakoobyo Bug Ah, Dabadeedna La Yidhaa Oo Miyaa Ogtihiin Intuu Marayo Is-Dilku Ama Dadka Qudha Iska Jaraa Sanadkii; Maydinkaa Waxbaba Og; Dabadeedna Inta Xaflad Lagu Soo Casuumo Mid Wasiir Ah Ay Kaga Yeedhsiiyaan Sida Babqaaga Arinkaas Oo Uu Halkaa Ku Qiro; Mar Haddii Policy Makers Ku Qiraan Mashkiladdaas, Iyaga Way U Gashay, Maxaa Yeelay Macnaheeda Ayay Garanayaan; Markaasuu U Dararayaa Oo Uu U Qarxayaa Mashruucu!!!!

Dhinaca Kale, Ma Dafirayo In Waligeedba Ay Dhici Jirtay Carrigeena Iyo Meel Kasta Oo Bani’aadam Ku Noolyahay Qof Is Dila Iyo Qof Wax Kufsada, Laakiin Waa Wax Kooban Dhulkeena, Mashruucna Ma Noqon Karto; Hadalhaynta Xumaanta Ayaaba Dhiirigalin Ah Iyo Xayaysiis Ah; May La Socotaa!!!

Cabdo; Maamul Wanaagga Iyo Ku Dhaqanka Sharciga

W/Q: Prof-Abdi Ali Jama

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this