Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo Daahfuray Shirka Maalgeshiga Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Deni ayaa maanta waxaa uu ka furay magaalada Garowe shirka maalgeshiga Puntland.

Shirkan oo socon doona muddo saddex maalin ah ayaa lagu soo bandhigay kheyraadka deegaannada Puntland iyo sida looga faa’ideysan karo.

Shirkan oo aad loo agaasimay waxaa qeyb ka aha shirkado  iyo ganacsato ajaanib ah oo ka kala socda dalalka  Shiinaha, Carabta iyo dalal kale.

Puntland waa dowlad goboleed qaan-gaaray, waxaa uuna horay heshiisyo ula galay dalal ay ku jirto Imaaraadka, sidoo kale waxaa uu xiriir ganacsi oo fiican kala dhaxeeyaa Itoobiya.

Wararka Shirkan Kala Soco, Goobjoog News

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this