Sign in to follow this  
Deeq A.

Komishaneerkii Ugu Mudada Dheera Guddida Doorashoyinka Somaliland Oo Ka Cudur Daartey Inuu Mar Saddexaad Ka Mid Noqdo Guddidaas

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Komishaneer Cabdifataax Ibraahin Sheekh oo ahaa komishineerkii ugu muddo dheeraa Gudida Doorashooyinka Qaranka somaliland ayaa waxaa uu ka cudur daartey kamid noqoshada mar saddexaad guddidaas oo la soo magacaabo.

ko.jpg

Cabdifataax Ibraahin Sheekh waxaa uu ahaa xubinta xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID usoo magacaabeen Gudida Doorashooyinka somaliland 10-kii sanadood ee ugu danbeeyay isla markaana waxaa uu noqondey komishanerkii ugu muddada dheeraa komishanka doorashooyinka somaliland , waxaana masuulkani uu si rasmi ah uga cudur daartey in mar sadexaad xisbiga UCID u soo xusho xubinta guddida doorashooyinka xisbigaas u meteli doonta.

Komishaneerka oo warqad qoraal ah u gudbiyay gudomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe waxaa uu ku war galiyey oo uu kaga cudur daartay in xilkaas loo magacaabo sida ay ilo xog ogaal ah xaqiijiyeen

Gudoomiyaha xisiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa madalo badan kaga dhawaaqay in Komishineerka ay mar sadexaad u cugan doonaan uu noqon doono Kominshineer Cabdifataax

Maalmihii ugu danbeeyey waxa jirtay daadaalo lagu doonayay in komashinerka lagu qanciyo in uu mar sadexaad jagadaas buuxiyo balse dadaaladaasi ma noqon kuwo midho dhala

Gudomiyaha UCID ayaa haatan waxa horyaala in muddo kooban uu ku hello cida buuxin lahayd jagadaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this