Sign in to follow this  
Deeq A.

Somalia: Boqolaal Askari Oo Markii U Horreysay Tababar Loogu Qaaday Dalka Eritrea

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Warar lagu kalsoonaan karo oo ay warbaahintu heshay ayaa sheegaya in boqolaal askari oo loo soo tababarayo dowladda Federaalka ah tababar loogu qaaday dalka Eritrea oo sannadkii hore laga qaaday cunaqabateyntii uu saaray golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

ciidamo-tababar-696x522.jpg

Sida wararku sheegayaan ciidammada tababarka loogu qaaday Eritrea ayaa lagu sheegay inay gaadhayaan illaa 500 illaa 600 oo askari, kuwaasoo ah Boolis-Milateri iyo Nabadsugid.

Warar qaar ayaa sheegaya in ciidammadan loogu tala galay ammaanka xilliga kala guurka ee dalka Soomaaliya uu galayo doorasho, waxaana ka soo baxaya weydiimo kala duwan oo ku saabsan baahida xilligan keentay in Eritrea ciidamo tababar loogu qaado, iyadoo hore u jireen Ciidamo tababaro loogu qaaday Turkiga, Jabuuti iyo Uganda oo sannadihii u dambeeyay kumanaan askari lagu soo tababaray.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa is weydiinaya Eritrea oo hore loogu eedeeyay inay taageerto Kooxaha ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya, arrintaas iyo arrimo kale darteed ku muteysatay in cunaqabateyn loogu soo rogo iyo in muddo 10 sano ay caalamka intiisa kale kaga jirtay go’doon waxa xilligan ku soo beegay in Ciidamo ay u tababarto Soomaaliya.

Is bedelka ka dhacay Gobolka Geeska Afrika ayaa sabab u noqday in Itoobiya iyo Eritrea ay heshiis ka gaadhaan colaadii mudada labaatanka sanno ee u dhaxeysay labada dal, waxaana caadi ku soo laabtay xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee labada dal, iyagoo safaaradahooda dib uga furtay Addis Ababa iyo Asmara, waxaana tallaabadaas ay sabab u noqotay in Eritrea ay dib uga soo muuqato masraxyada caalamka, isla markaana ka baxdo go’doontii ay ku jirtay, inkastoo weli dowladda uu hoggaamiyo Isaias Afwerki ay wajaheyso eedeymo ka dhan ah bani’aadanimada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this