Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka Oo Ku Dhawaaqay In Uu Dhammaaday Dagaalka Lagula Jiray Argagixisada Ka Dagaalanta Suuriya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Suuriya)-Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrov, ayaa sheegay in uu dhammaaday dagaalkii lagula jiray kooxaha Argagixisada Suuriya.

1568489312cdfef.jpg

Mr Lavrov ayaa intaa raaciyay in loo baahan yahay oo kaliya xiligaan, sidii looga shaqeyn lahaa xasiloonida iyo dib u dhiska dalka Carbeed iyo guud ahaan mandiqada bariga Dhexe.

Dhanka kale wuxuu sheegay in meelo yar oo kaliya ay hada xasilooni ka jirin, gaar ahaan qeybo ka mid ah gobolka Idlib oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahanada Mucaaradka.

Sergei Lovrov ayaa hadalkaan sheegay xilli wareysi siinayay wargeyska Trud ee ka soo baxay dalka Ruushka.

Milatariga Suuriya oo taageero ka helaya kuwa Ruushka ayaa ku guuleystay in ay dib ula wareegaan gobolo badan oo mucaaradka Heesteen.

Suuriya ayaa madaxa la gashay dagaal Sokeeye sanadkii 2011-kii markaasi oo wadamada carabta uu ka bilowday kacdoon Dadweyne.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this