Sign in to follow this  
Deeq A.

Dooni Ay Saaran Yihiin Muhaajiriin Badan Oo Loo Ogolaaday Inay Ku Xidhato Xeebaha Talyaaniga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Rome)-Dowladda cusub ee Talyaaniga ayaa u ogolaatay dooni gargaar oo ay saaran yihiin 82 qof oo muhaajiriin ah inay ku soo xidhato jasiirado koonfureed ee Lampedusa.

1568477568ac00e.jpg

Arintaan ayaa soo afjareysa siyaasadii qaxooti diidka ku saleysneyd ee wasiirkii hore ee amniga talyaaniga Matteo Salvini

Doonida oo ay leedahay hey’adda Ocean Viking oo hoostagta hey’ada MSF ee dalka Faransiiska ayaa in ku dhow laba toddobaad taagneyd xeebaha u dhaxeeya talyaaniga iyo Malta.

Isbaheysiga wadaaga ah oo ay ku mideysan yihiin xisbiyada Five Star iyo xisbiga bidix ee Democratic Party ayaa amar ku bixiyay in doonidan ay ku dajiso rakaabka saaran Dekada Lampedusa.

Dhanka kale arintaan ayaa lagu xaqiijiyay barta Twitter-ka ee hey’ada MSF.

Dadka soo galootiga ah ayaa labadii sanno ee la soo dhaafay waxaa ku adkaa in ay gaaraan xeebaha Talyaaniga.

Inkasta oo dadkaan la sheegin wadamada ay u dhasheen ayaa hadane MSF waxay xaqiijisay in 58 rag ah 18 caruur ah iyo lix Dumar ah.

Raysal wasaaraha Cusub ee talyaaniga Giuseppe Conte ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono caawinta Muhaajiriinta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this