Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Shaaciyey In La Dilay Wiil Uu Dhalay Osama Bin Laden

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa Maanta oo Sabti ah sheegay in la dilay Wiil uu dhalay Hoggaamiyihii la dilay ee Al-Qaacidda Osama Bin laden.

1568467875077.jpg

Mareykanka ayaa sheegay in Howlgal ka dhan ah Argagixisada lagu dilay Xamza bin Laden oo ah wiil uu dhalay Osama Bin Laden.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa xusay in Xamza Bin Laden uu caan ka dhex ahaa Kooxda Al-Qaacidda oo uu laf dhabar u ahaa aabbihii.

Warka kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in howlgalkaan uu ka dhacay dhul u dhaxeeya Xuduudda Wadamada Afghanistan iyo Pakistan.

Warbixintaas kasoo baxday Mareykanka ayaa lagu sheegay in dhimashada Xamza Bin Laden ay saameyn ku yeelan doonto Xirfadaha Hoggaaminta ee Kooxda maadaama uu wiilkaan Aabihii ka dhaxlay xirfadda hoggaaminta iyo qaabka fulinta howlgalada ee kooxdaan .

Osama Bin Laden ayaa lagu dilay Abbottabad oo ka tirsan dalka Pakistan 2 Bishi May Sannadkii 2011 kadib howlgal ay fuliyeen ciidammada gaarka ah ee Mareykanka.

Sida laga arkay warqado laga helay dhismihii lagu dilay Osama bin Laden, ee magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan, Hamza ayaa waxaa illaa iyo yaraaantiisa loo diyaarinayey inuu mar uun hoggaanka Al-Qacida kala wareegay aabbihii.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this