Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso: Magacyada amiirada Al-Shabaab ee weerarkii Faransiiska lagu beegsaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Jilib (Caasimada Online) – Diyaarado dagaal oo la sheegay in ay wateen Ciidamo u dhashay dalka France ayaa markii 2-aad duqayn ka fuliyay degmooyinka Jilib iyo Bu’aale oo katirsan gobalka Jubada Dhexe sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiil katirsan Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya.

Goob joogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in ay maqlayeen daryanka madaafiic culus iyo rasaas tiro badan oo muddo socotay. Sidoo kale, waxay sheegeen in ay arkeyn iftiin ballaaran oo qabsaday xaafadaha qaar ee Jilib iyo Bu’aale, iyadoo diyaarado dagaal ay dul wareegayeen gobalka Jubada Dhexe.

Saraakiil sare oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya oo magacooda qariyey ayaa noo xaqiijiyey in howlgalkaasi ay iska kaashadeen ciidanka sida gaarka ah utababaran ee Soomaaliya iyo kuwa France ee ku sugan Soomaaliya.

Duqeynta ka dhacdey degmada Jilib ayaa la sheegey in lagu lala eegtay Aamiirka Weerarada Kenya u qaabilsan Al-Shabaab oo dhalasha ahaan kasoo jeeda dalka Kenya islamarkaana magaciisa lagu sheegey Sheekh Cumar balse caan ku ah magaca Abuu Bakar iyo labadiisa istaaf oo markaasi lasocodey ayagoo ku sugnaa guri kuyaala duleedka degmada Jilib.

Dhanka kale duqeyn kadhcedey degmada Bu’aale ayaa lasheegey in lagu bartilmaameedsaday amiirkii Cusbaa ee amniga u qaabilsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Yare afgarashadiisuna ay aheyd Abuu Cazaab iyo daraawalkiisa ayagoo lasheegey xiligaasi in ay ku guda jireen safar dhulka ah.

Dhinaca kale, duqeymo diyaaradeed ayaa ka dhacey xaruun weyn oo lagu tababaro dagalamayaasha Al-Shabaab oo ku taala inta u dhaheysa Haaway iyo Araboow oo kwada ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay duqeyntaan ka dhacday Sh/Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this