Sign in to follow this  
Deeq A.

Goobaha laga soo abaabulo qaraxyada oo la shaaciyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Filish, ayaa waxa uu soo bandhigay in qaraxyadda laga soo abaabulo meelo ku dhow magaala madaxda waddanka.

Mr Filish oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in maamulkiisa uu ka shaqeyn doono sidii looga tabategi lahaa meelaha lagu soo diyaariyo weerarada caasimadda ka dhaca.

Dhanka kale, Cumar Filish oo hadalkiisa sii wata ayaa  shaaciyey in maamulkiisu ka go’an tahay dib u furitaanka wadooyinka xiran ee Muqdisho, isaga oo shacabka ka codsadey in ay ka shaqeeyaana amniga.

Dhowaan ayey ahayd markii maamulka gobolka Banaadir uu guddi u magacaabay dib u furitaanka wadooyinka caasimadda, waxaana guddigaasi uu haatan ku howlan yahay kasoo talo bixinta arrintaasi.

Hoos ka dhageyso codka

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Cumar-Filish.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this