Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad guryahooda lagala baxay oo BELED-XAAWO lagu gowrcay + Magacyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Beled Xaawo (Caasimadda Online) – Xaaladda magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa Maanta ah mid qasan kadib markii qaarna la dilay qaarna la gowracay dad guryahooda xalay lagala baxay.

Dadkaan Guryahooda lagala baxay ayaa ahaa 3 qof oo midkood ay haweeney aheyd, waxaana xalay guryahooda ku weeraray dabley hubeysan.

Seddexdaan qof ayaa qaarkood la gowracay, halka qaar kalana lagu dilay rasaas sida ay xaqiijiyeen dadweynaha ku nool Magaalada Beled Xaawo. Dadka la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay:

1) – Xabiibo Cabdiraxmaan Cali oo loo yaqaanay Xeybo Ladan oo kamid aheyd Ururada Haweenka ee Maamulka Jubbland ee Beled Xaawo

2) – Xuseen Shariif Cabdulle oo Beled Xaawo ka ahaa Guddoomiye waaxeed

3) – Cabdi Cali Keynaan  oo ahaa Madaxdii Waaxda Maaliyadda ee Beled Xaawo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarkaan Xalay ka dhacay Magaalada Beled Xaawo, waxayna sheegeen inuu qeyb ka yahay dagaalka ay kula jiraan Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM.

Maamulka Jubbaland weli ma uusan ka hadlin falkaan ka dhacay Magaalada Beled Xaawo oo maamul ahaan hoos tagto Madaxweyne Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xaafiiska Beled Xaawo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this