Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle oo ku dhintay qarax ka dhacay Sh/ Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Waarar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Miino oo saaka mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle lagula eegtay gobolka Sh/Dhexe.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Golole, xilli ay marayeen golonyo gaadiid ah oo ay la socdeen mas’uuliyiintaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ku dhinteen guddoomiye ku xigeenkii Maaliyadda ee gobolka Shabeelaha Dhexe, Cabdulllaahi Shitaawe, wasiirkii hore ee wasaaradda Ganacsiga Hirshabelle, Sabriye Cusmaan iyo nin lagu magacaabayey Xasan Baldoos, kaas oo la shaqeynayey mid ka mid ah hay’adaha Samafalka ee gobolkaasi.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda maamulka HirShabelle oo ku aadan qaraxaasi oo ku aadaya, xilli maalmihii dambe amni darri ay ka jirtay waddadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this