Sign in to follow this  
Deeq A.

Sababta Senator Yuusuf Geelle Ugaas iyo xildhibaanada Ceelbuur ula safteen Qoor Qoor

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)- Diyaar garoowga doorashada madaxtinimada Galmudug ayaa socota iyadoo ilaa hada ay labo musharax ku dhawaaqeen iney u taaganyihiin xilka madaxweynaha Galmudug ee afarta sanno ee soo socota. Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Cabdiraxmaan Odawaa ayaa ilaa hada isu taagay xilkaas.

Labadda nin ayaa loo arkaa in mid uu yahay musharaxa mucaaradka ,midna uu heysto taageeradda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Magaalooyinka Galmudug qaarkood ayaa durba u muuqda iney musharax gaar ah taageersanyihiin. Xildhibaanadda labada Aqal ee Dowladda Federaalka ah ku matala Degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud ayaa si buuxda u garab istaagay musharax Qoor Qoor.

Caasimada Online ayaa la xiriirtay Senator Yuusuf Geelle Ugaas oo 15kii sanno ee lasoo dhaafay ka mid ahaa xildhibaanada jaangooya siyaasadda Soomaaliya, kaas oo kasoo jeedda degmada Ceelbuur, waxaana weydiinay waxa sababay in xildhibaanada Ceelbuur ay dhamaantood hal musharax isugu tagaan, wuxuuna ku jawaabay.

“Waqti badan ayaan Galmudug galinay, waxaan muddo dheer raadineynay Galmudug isku filan, waad ogtihiin afartii sanno ee lasoo dhaafay sida uu xaalku ahaa, ma jirto hal magaalo oo adeeg bulsho heshay iyo hal magaalo oo laga saaray Al Shabaab, waxaas oo dhan waxaa sabab u ahaa in la waayay garab istaagii Dowladda Dhexe, madaama uu khilaaf jiray. Xaqiiqdii arrintaas walaac badan ayey nagu abuurtay ayuu yiri Senator Yuusuf Geelle.

“Waa la socotaan awoodda Al Shabaab ku lee yihiin Dhuusamareeb ilaa Ceelbuur, Ceelbuur ilaa Galhareeri, Galhareeri ilaa Ceeldheer. Dadkaas mudo dheer ma aaney arag wax nidaam dowladeed ah, waxaa adkaatay in xitaa gar-gaar la gaarsiiyo. Waxaan dhowr jeer Dowladda kala hadalnay in dhulkaas la xoreeyo waana naga aqbashay waxaana la sugaya doorashada madaxweynaha Galmudug. Sidoo kale waad aragtaan dib u heshiisiinta ka socota Galmudug, rajadda laga qabo dhismaha Dekadda Hobyo iyo ciidamada la isku dhafay ee mushaarka loo bilaabay. Si adeegyadaas loo sii xoojiyo, kuwo cusubna loo bilaabo, waxaa noo muuqata in aaney Galmudug qaadan karin in markale gacanta loo galiyo qof doonaya inuu ka dhigo furin siyaasadeed ,oo Dowladda dhexe laga colaadiyo ama qof aan la aqoon biyo-dhiciisa.

“Hadii aan su’aashaada usoo laabto, xildhibaanada Ceelbuur kasoo jeeda waxey rabaan in Dowladda Soomaaliya si wanaagsan loola shaqeeyo, oo deegaankooda iyo dadkooda wax loo qabto. Waxaa nahay dad Dowladnimada jecel oo aan waligood ka shaqeynin in Qaranka la colaadiyo, sidaa darteed ayaan u go’aansanay inaan si buuxda garab usiino musharaxa ay ka go’antahay inuu Dowladda dhexe la shaqeeyo uuna xoreeyo dhulka maqan ayuu hadalkiisa ku daray Senator Yuusuf Geelle Ugaas.

Beelaha Murusade iyo Duduble ayaa 20 xildhibaan kuleh Baarlamaanka Galmudug, waxaana muuqata in siyaasiyiintoodu si buuxda u muujiyeen iney garab taaganyihiin musharax Qoor Qoor, taas oo culeeska ku badin-doonta musharaxa mucaaradka Cabdiraxmaan Odawaa.

Caasimada Online
Xafiiska-Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this