Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax lala beegsaday mas’uuliyiin oo ka dhacay Sh/ Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in goor dhow qarax miino mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle lagula eegtay deegaanka Gololey oo dhaca duleedka degmada Balcad ee gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay inuu haleelay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen mas’uuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiye ku xigeenka maaliyadda ee gobolka Shabeelaha dhexe

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac, balse aan si dhab loo cadeyn karin.

Xaaladda ayaa hadda kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in meesha ay wax ka dhaceen ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Wixii soo kordha kala soco radioshabelle.com

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this