Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin katirsan Hirshabeelle oo qarax lagula beegsaday duleedka Bal-cad.

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax nooca dhulka lagu aaso ah oo masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabeelle lagula beegsaday duleedka degmada Bal-cad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaraxaan ayaa waxaa lala beegsaday kolanyo gaadiid ah oo uu watey guddoomiye ku-xigeenka dhanka maamulka iyo maaliyadda gobolka Shabeellaha dhexe Mudane Cabdullaahi Shitaawe.

Inta la xaqiijiyey saddex ruux ayaa u geeriyoodey qaraxaasi waxaana kamid ahaa wasiirkii hore ee ganacsiga Hirshabeelle Sabriye iyo Xasan Axmed Cosoble oo ka mid ahaa Shaqaallaha Hay’addaha Gargaarka.

LA SOCO WIXII KA SOO KORDHA

PUNTLANDPOST

The post Mas’uuliyiin katirsan Hirshabeelle oo qarax lagula beegsaday duleedka Bal-cad. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this