Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo faahfaahin ka bixisay nabaddoon xalay lagu dhaawacay magaalada Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   
Nabadoonka.jpg?w=1000&ssl=1Nabaddoonka la dhaawacay Axmed Jaamac Qalyar

Af-hayeenka laamaha Amniga dowlad goboleedka Jubaland ayaa faahfaahin ka bixiyay nabaddoon caan ah oo xalay lagu dhaawacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaar ah ee Jubaland.

Nabaddoonka oo lagu magacaabo Axmed Jaamac Qalyar islamarkaana ahaa guddoomiyaha guddi la baxay Badbaadada Jubaland oo ay samaysteen musharrixiinta isbeddel-doonka xilligii ay socotay doorashada Jubaland ayaa fiidnimadii xalay lagu dhaawacay gudaha magaalada kismaayo.

Af-hayeenka laamaha Amniga Jubaland ayaa malayshiyaadka Al-shabaab ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen dhaawaca loo gaystay nabaddoonka waxaana uu tilmaamay in xaaladdiisa caafimaad ay ka soo raynayso.

Sidoo kale wuxuu sheegay in lagu raad-joogo dableeydii falka gaystay oo goobta ka baxsaday isagoo bulshada Jubaland ugu baaqay in ay ciidamada ka gacan-siiyaan sugidda Amniga.

Halkaan ka daawo hadalka Af-hayeenka

PUNTLAND POST

The post Jubaland oo faahfaahin ka bixisay nabaddoon xalay lagu dhaawacay magaalada Kismaayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this