Sign in to follow this  
Deeq A.

Baaq laga soo saarey colaad ka jirta G/Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Odayaal kulan ku yeeshay magaaladda Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, baaq nabadeed kasoo saarey colaad beeleedyo ka aloolsan qaybo kamid ah gobolka Galgaduud.

Dhinacyadda dirirtu u dhaxeyso ayey ku booriyeen in ay xabadda joojiyaan, isla markaana wax kasta oo ay kala tabanayaan ku dhameeyaan miiska wada hadalka, maadaama aanan dagaal xal ahayn.

Wax garadka ayaa intaasi raaciyey ay ay dardar gelin doonan dedaaladooda samadoonimadda ah, si looga baaqsado dagaalo horleh oo bulshooyinka walaalaha mar kale dhex-mara.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay isku dhacyo dhexmaray beelahaasi Soomaaliyeed, kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay dagaalo kharaar uu ku dhexmaray qayb kamid ah gobolkaas.

Hoos ka dhageyso codka

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Okay.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this