Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaro ka dhashay weerar culus oo ka dhacay Marka

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaaladda Marka, xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarka oo u muuqdey mid qorsheysan ayaa ka yimid dhowr jiho oo ay kamid tahay; Xaafad RuusiyoWaa Cuneynaa Waa Cabeynaa iyo Ceel Jaale.

Iska hor-imaadka ayaa waxaa lagu beegsaday fariisimo ay halkaasi ku leeyihiin ciidanka 14-ka ee milatariga Soomaaliya.

Illo degaanka ah ayaa sheegaya in khasaaraha ciidanka dowladda soo gaarey uu yahay hal dhimasho iyo laba dhaawac

Dhanka AlShabaab ayey ku sheegeen geerida laba iyo dhaawaca hal dagaalame, inkasta oo aysan xarakadu wali wax war ah soo saarin.

Saraakiisha ammaanka oo ay Shabelle la xiriirtay waa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan weerarkan xalay ka dhacay Marka.

Xaaladda ayaa lasoo sheegayaa in ay tahay mid aad u kacsan, isla markaana dhaqdhaqaaqyo ciidan ay socdaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this