Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Marka oo uu ku wajahan yahay R/W Kheyre

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka (Caasimada Online) – Warar  dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan uu ka dhacay duleedka Magalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo u dhexeeyay dagaalamyaal ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamada militariga Soomaaliya.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamo ka tirsan militariga soomaaliya ay weerar ku qaadeen fariisin ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka deegaanka Jilib Marka ee gobalka shabeellada Hoose.

Goobjoogayaal ayaa sheegay dagaalka uu khasaaro xoogan soo gaaray dhinacyadii ku dagaalamay duleedka magaalada Marka ee gobalka Shabeellada hoose.

Inta la ogyahay 5 qof ayaa ku geeriyootay oo ahaa dhinacyadii dagaalka ku dhex maray duleedka magaalada Marka, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Ma jiraan weli wax faahfaahin ah oo ka soo baxay militariga soomaaliya, kaasi oo ku aadan in ay ka warbixiyaan dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Jilibka marka ee gobalka Shabeellada Hoose.

Dhanka kale Wararka saakay laga helayo magaalada Marka ayaa sheegaya in ciidamada xooga ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan duleedka Magaalada Marka ee Gobalka Shabeellada Hoose, maadaama halkaasi uu ku wajahan yahay R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this