Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Muqdisho oo lacag lagu sheegay Zako u qeybiyey shacab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Al-Shabaab ugu magacaaban gobolka Banaadir ayaa soo gabagabaysay mashruuc loogu yeeray qaybinta Zakada oo la sheegay inay boqolaal qof ka faa’iideysteen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in guddoomiyaha u qaabilsan gobolka Banaadir, Sheekh Muuse Cabdi Carraale uu lacag lagu sheegay Zako u qeybiyey150 qoys oo kamid ah dadka masaakiinta ah ee ku dhaqan Muqdisho.

“Qoys walba oo kamid ah qoysaskaas 150 ah ayaa waxaa ay nasiib u heleen lacag gaaraysa $500 oo doolar taas oo ah qoondadii kaga soo aadday Zakadii” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Al-Shabaab.

Magaca Sheekh Muuse Cabdi Carraale ayaa ah magac ku cusub warbaahinta oo aan horey loo aqoon, tan iyo markii la dilay guddoomiyihii hore ee Al-Shabaab u qaabilsanaa Muqdisho, Cali Jabal.

Ma jirto cid xaqiijin karta in goobta lacagta lagu qeybiyey tahay gudaha Muqdisho ama deegaanada ku hareereysan oo Shabaabka ay qaarkood ku sugan yihiin.

1-1-1.jpg 4-1-1.jpg 39.jpg 33-3.jpg 32.jpg 28.jpg 27.jpg 26.jpg 24.jpg 23.jpg 22-4.jpg 21.jpg 14-1.jpg 13-1.jpg 12-1.jpg 11-1-1.jpg 21-1.jpg 9-1.jpg 6-1-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this