Sign in to follow this  
Deeq A.

Tifaftirka Warku Maaha Shaqo Xukuumadeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adaha warbaahinta loo ma yeedhiyo waxa ay sii deynayaan iyo sida ay u sii deynayaan.

Hawlqabadkaas waxa u qaabbilsan tifaftirayaal kala duwan iyo habraacyo ay cuskadaan. Ma aha arrin, si na ba, dawladi u faragelin karto.

Waxa ay u eegaan wararka ay baahinayaan ahmiyaddooda nuxur iyo saamaynta ay leeyihiin.

Waa ay dhacdaa in wararka guud marka la dhammeeyo la raaciyo warar maxalli ah oo ku saabsan magaaladaas, gobolkaas ama dalkaas hay’adda warbaahineed ka hawl-gasho, oo loo yaqaan “Warkii Gudaha”, waxanu ka dambeeyaa warka guud ee muhiimka ah.

Haddaba waxa riwaayad qosol badan u muuqata in wasaaradda warfaafinta Somaliland doonayso in TV-yada Somaliland ee madaxa bannaan kala wareegeyso kaalintaas tifatirka wararka.

“Waa in wararka Somaliland ee guduhu ka horreeyaan kuwa dibedda ee Soomaaliya iyo dunida kale”, waa amarka wasaaradda ka soo baxay 09.09.2019, oo dhaqan-gelaya laba toddobaad gudahood oo taariikhdaas ka bilaabmaya.

“Shimbirtii Oodweynaay hodhodho”, yaa kaa iibsan, baannu leennahay!

Halkan kaga hadli mayno khaladaadka ay saxaafaddu gasho ama jawrfallada lagu la kaco, wax se wax aan la aqbali karin ah in xukuumaddu TV-yada madaxa bannaan u yeedhiso sida ay wararka i tafatirayaan.

Tifaftirka wararka TV-yada madaxa bannaani ma aha, bataatan haba yaraatee, shaqo xukuumadeed.

Maangal ma noqon karto in aqoon-is-weydaarsi ku saabsan Gudniinka Fircooniga ah oo ka dhacay Hargeysa laga hormariyo qarax ka dhacay Muqdisho ama Nairobi isla xilliga seminaarka la qabtay.

Waxa kale ahmiyadda wararka kala xadeeya oo kala hormeeya kala horrayntooda xilliga kala xulashada marka nuxurka laga yimaaddo mandaqadda juquraafiyadeed. Wararka Muqdisho, Djibouti, Addis ama Nairobi waxa ay ka mudan yihiin xilligan kala xulashada wararka kale ee la nuxurka noqon kara ee Monrovia, Harare ama Bissau.

Biyo-xidheen laga sameeyey Itoobiya iyo mid kale oo Guinea Bissau laga hirgeliyey isku maalin marka ay kala doorashada warka timaaddo, waxa TV-ga Hargeysa ka hawl-galaa qaadanayaa oo warkiisa ku darsanayaa biyo-xidheenka Itoobiya.

Marka xaal sidaas yahay ee ka eegi amarka wasaaradda ka soo baxay, waxa loo “ham iyo dig” leeyahay waa wararka Soomaaliya fogeeya si loo arko in Somaliland iyo Soomaaliya laba waddan kala yihiin, saw uun ma aha?

Haa, waa se meel khaldan halkani oo socon mayso ee “jiib noom taani”.

Warku waa in uu u kala horreeyaa sida uu u kala luxdan ama culus yahay, cusub yahay, una kala saamayn badan yahay. Macno uma samayso markan oo kale magaalada ama gobolka ama waddanka uu ka dhacayo. Ahmiyadda nuxurkiisa iyo saamayntiisa war ahaaneed ayuun baa ka asal ah.

Marka la eego dhinaca kala xulashada wararka la qaadanayo iyo kuwa laga tegayana kuwa Soomaaliya waxa ay ku jiraan kuwa mudnaanta hore leh.

“Waalwaalataye waxaraha soo rog” uun weeye xaalka wasaaradda warfaafintu.

Maxamed Baashe X. Xasan mohamedbashe@hotmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this