Deeq A. Posted September 12, 2019 Muqdisho (SMN) – R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta magaalada Badhabo ee xarunta gobolka Baay kula kulmay wufuud ka kala socotay Qaramada Midoobay & Bangiga Aduunka,kuwaasi oo maanta gaaray magaaladaasi. Intii kulanka uu socday ayaa raiisul wasaare Khayre iyo wafuudaasi waxaa ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin xaaladaha Bani’aadanimo ee dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa,dhismaha Nabadda,qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya iyo fulinta mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyo dalka. Mudane Xasan Cali Khayre raiisul wasaaraha Soomaaliya ayaa beryahan safar ku maraya deegaanada Koonfur Galbeed,isagoo tagay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bokool,halkaasi oo uu kula kulmay madaxda Koonfur Galbeed,odayaasha dhaqanka,waxgaradka iyo qeybaha bulshada,wuxuuna dhagax dhig iyo xarig jar ku sameyeey mashaariic horumarineed oo laga fulinayo magaaladasi Xudur. View the full article Share this post Link to post Share on other sites