Deeq A. Posted September 12, 2019 (SLT- Israel)-Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqeeyey bartilmaameedyo ay kooxda Xamas ku leedahay Marinka Gaza, ayaga oo ka aargudanaya gantaal ay soo tuurtay kooxdaas, waxaa sidaas bayaan ay soo saareen ku sheegay millatariga Israa’iil. “Gantaallo ayaa Gaza looga soo tuuray dhulka Israa’iil” ayaa lagu yidhi bayaanka oo aan bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer. “Si looga jawaabo diyaaradaha dagaalka ciidamada difaaca Israa’iil waxay weerareen dhowr goobood oo militariga Xamas ay ku leeyihiin waqooyiga Marinka Gaza,” ayuu bayaanka intaas kusii daray. Wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA ayaa werisay in diyaaradaha Israa’iil ay habeenkii arbacada soo tuureen ugu yaraan sagaal gantaal oo ku dhacay goobo maran oo ku yaalla xaafadda al-Shajaiyeh ee bariga Gaza. Lama sheegin cid ku dhaawacantay gantaallada ay is-weydaarsadeen labada dhinac. Gantaalladii ugu dambeeyey ee arbacadii ayaa yimid maalin kadib markii gantaallo laga soo tuuray dhulka Falastiin ay ku dhaceen magaalada Ashdod ee Israa’iil, kuwaas oo qasbay in ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu ka cararo masrax uu ka waday olole doorasho. Source Share this post Link to post Share on other sites