Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ka qaybgelaysa shirka deyn cafinta Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxaa ka qabsoomi doona shir ay ka qaybgeli doonaan dowladda Soomaaliya, dalalka deeqaha bixiya iyo hayaddaha lacagaha adduunka ee IMF.

Mudada uu socdo shirkaani ayaa waxaa looga arrinsan doonaa hannaanka deyn cafinta ee Soomaaliya oo ay labadii sano ee ugu dambeeyey ka shaqaynaysay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa shirkaasi ku matali doona wasiirka maaliyadda xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ay weheliyaan wasiirada maaliyadda dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal oo ka qaybgelaya shirkaasi ayaa waxaa magaalada Addis Ababa ku soo dhoweeyey safiirka Soomaaliya ee Itoobiya ahna madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey.

PUNTLANDPOST

The post Puntland oo ka qaybgelaysa shirka deyn cafinta Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this