Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday rag loo heystay qarax ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda darajada Koobaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa ku dhowaaqday go’aanka dacwad ciqaabeed loo haystay xubno lagu soo eedeeyay Al-Shabaab.
Maxkamadda ayaa sheegtay in eedeysane Xasan Cali Macalin Barre , uu Al-Shabaab u qaabbilsanaa dhisgista Gawaarida qaraxyada sida goobaha ay Shacabku ku badan yihiin.

Waxaanay sheegtay Maxkamddu in 26/11/2018, uu Suuqa Kaawo Godey ee Degmada Wadajir dhigay Gaari Noociisu ahaa FILDER , kaas oo qarxii uu sameeyayna ay ku geeriyoodeen 12 Qof, kuna dhaawacmeen 7 kale.

Sayid Cali Aadan Nuur (Istiin Boy), oo isna Al-Shabaab u qaabbilsanaa soo galinta Magaalada Muqdisho Gawaarida sida walxaha qarxa iyo farsamayntooda.

Halka Muxudiin Max’ed Axmed Khaliif (C Jey), isaguna lagu soo eedeeyay in uu ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab iyo in uu hay’adaha baarista u sheegtay Magac been ah.

Maxkamadda CQS ayaa ugu dambayn Maanta oo ah Khamiis 12/9/2019-ka Xasan Cali Macalin Barre (XasanBoy) ku xukuntay dil toogasho ah, iyadoo Sayid Cali Aadan Nuur (Istiin Boy) ku xukuntay Xabsi daa’in, halka Muxudiin Max’ed Axmed Khaliif (C Jey) ay ammartay in la sii daayo.

Waxayna Maxkamaddu sheegtay in Ciddii aan ku qanacsanayn xukunka ay u furan tahay in uu ka qaato Racfaan.

WhatsApp_Image_2019-09-11_at_11.22.45_PM WhatsApp_Image_2019-09-11_at_11.22.45_PM WhatsApp_Image_2019-09-11_at_11.22.47_PM WhatsApp_Image_2019-09-11_at_11.22.49_PM

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this