Deeq A. Posted September 12, 2019 Marka (SMN) – Ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Degaanadda ay ciidanka howlgalada ka sameeyeen ayaa lagu sheegay in ay yihiin kuwa ku dhow magaaladda Marka ee xarunta gobolkaasi. Ujeedka ayaa la sheegayaa in uu yahay sidii AlShabaab looga saari lahaa goobaha ay wali kaga sugan tahay gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamada howlgalada sameeyay oo lagu sheegay in ay yihiin kuwa dhowaan qabsadey barahaasi ayaa fariismo ka sameystay wadooyinka ay roondada ka sameeyeen. Dhinaca kale, ciidamo cusub oo ka tirsan howlgalka AMISOM ayaa lagu waramayaa in ay gaareen qaybo kamid ah gobolkaas. Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ka socdaan howlgalada ay wadaan ciidanka dowladda ee ay ku qabsanayaan degaano horleh. View the full article Share this post Link to post Share on other sites