Deeq A. Posted September 11, 2019 Muqdisho (SMN) – Dowladda Australia ayaa soo saartey digniin cusub oo ku aadan khatarta amni ee garabka Daacish uga dagaalama dalka Soomaaliya. Guddiga Amniga iyo Sirdoonka ee baarlamaanka Australia oo warbixintan soo saarey ayaa sheegay in ururka uu maleegayo weeraro ay ka geysanayaan meelo ay kamid tahay magaaladda Muqdisho. “Kooxo ay kamid tahay Daacishta Soomaaliya, waxay beegsan karan reer Galbeedka…afduubasho madax furasho doon ah,” ayay sheegeen, iyaga oo aanan kala caddeyn hadii ay AlShabaab kamid tahay. Daacishta Soomaaliya oo uu hogaamiyo Cabdiqaadir Muumin ayaa dalka Soomaaliya kaga sugan degaanada Puntland, halkaasi oo ay kasoo ifbaxeen sanadku markii uu ahaa 2015-tii. Mareykanka ayaa horey u shaaciyey in Kooxdan xubnaha u dagaalama badankooda ka yimaadeen dhanka Al-Shabaab, kuwaasoo ay tiradoodu gaareyso in ka badan 250. Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa dhowr jeer weeraro dhanka cirka ah ku qaadey goobaha Daacish kaga sugan tahay gobolka Bari ee Puntland, waxaana looga dilay xubno badan. Ugu dambeyntii, guddiga ayaa isku raacey in Daacishta Soomaaliya loo aqoonsado urur argagixiso oo caalami ah, laguna daro liiska xagjirnimada dunida, “maadaama ay geysanayaan dambiyo”. View the full article Share this post Link to post Share on other sites