Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo sheegay in madaafiicda Villa Somalia lagu garaacay ay ku dhaceen safaaradda…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa la helayaa tirro hoobiyeyaal ah oo kusoo dhacay dhismayaa ku yaalla agagaarka Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Xaafado ku dhow.

Jugta Madaaficda oo laga maqlay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ku dhacay halka magacaabo Kaambada oo ku dhow Xarunta Taliska Booliska Kumaanda Polisio sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale Hoobiyeyaasha oo gaarayay ilaa saddex ayaa waxaa mid kamid ah uu ku dhacay dhismaha safaaradda Itoobiya oo ku dhegan Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

In ilaa iyo la xaqiijiyay hoobiyeyaashaas ayaa waxaa ku dhaawacmay hal ruux oo shacab ah,waxaana dad ku sugan goobaha ay madaafiic kusoo dhaceen ay sheegeen inay casbi soo wajahday, kadib markii hoobiyeyaasha ay kusoo dahceen xaafadahooda.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerarkaas madaafiicda ah, waxayna sheegeen inay la heleen Safaaradda Itoobiya ay ku leedahay Vill Somalia gudaheeda.

Al-Shabaab ayaa sheegay inaysan weli helin xogta ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkaan oo Maanta laga maqlay inta badan Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntii Al-Shabaab ayaa tilmaamay in weerarkaan uu qeyb ka yahay weerarada ay ku hayaan Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamda AMISOM.

Dowladda Soomaaliya weli ma aysan ka hadlin weerarka madaafiicda ee lagu qaaday Xarunta looga taliyo Soomaaliya oo uu ku sugan yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this