Deeq A. Posted September 8, 2019 Baydhabo (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali kheyre ayaa maanta magalaada Baydhabo xarunta gobolka Baay kulan gaar ah kula qaatay golaha wasiirada ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Kulanka oo uu shir guddoomiyey Ra’iisul wasaare Khayre ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay dardargelinta mashaariic hormarineed oo dhowaan laga fulin doono deegaanada maamulkaaasi, sugida amniga howlgallada ka dhanka ah dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab iyo arrimo kale. Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta kormeeray xafiisyada madaxtooyada iyo wasaaradaha maaliyadda iyo qorsheynta ee K/ Galbeed. Kormeerkan ayaa waxaa Ra’iisul wasaaraha ku wehlinayey madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirad. Khayre ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay dhammaan mas’uuliyiinta iyo shaqaalihii uu la kulmay inay xoojiyaan howlaha shaqo ee loo igmaday. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites