Deeq A. Posted September 7, 2019 Muqdisho (SMN) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta haaiyey shaqadii hay’adda dambi baarista ee CID-da. War qoraal ah oo ay barteeda Facebook-ga soo dhigtay taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaliyeed, Generaal Zakiyo Xuseen Axmed ayaa lagu wargaliyey Ummadda Soomaaliyeed in muddo saddex maalmood ah la hakiyey bixinta warqada dambi la’aanta. Qoraalkan ayey sidoo kale Zakiyo ku sheegtay in dib u habeyn lagu sameyn doono sida hadda lagu helo warqaddaasi oo ay bixiso hay’adda CID-da. Halka hoose ka akhriso: “Taliska Ciidanka Boliiska oo ka jawaabaya cabashada ka timid bulshada Soomaliyeed waxaa dhamman shacabka ku sugan G/Banadir la ogeeysiinayaa in muddo sadax malmood ah la hakiyay bixinta warqada dembi la’aanta taasoo bixisa hoggaanka CID muddadaas aan dooneyno in dib-u-habeyn hufan ku sameeyno nidaamka helista warqada dembi la’aanta. Bulshada sharafta leh waxaa ka codsaneenaa in ay inoo dulqaataan muddada aan howlshaas wadno.”ayay tiri Taliye Zakiya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites