Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil Oo Cabsi Xooggan Ka Muujisay Warshad Lagu Hagaajiyo Hubka Oo Sameysatay Kooxda Xisbullah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tel-aviva)-Dowladda Israa’iil ayaa ku eedeysay ururka Xisbullah, dhisida warshad soo saarta gantaalaha culus oo ay ka hirgalisay degaanka Bekaa ee gudaha wadanka Lubnaan.

156760584914b97.jpg

War saxaafadeed ka soo baxay millatariga Israa’iil oo ay ku jiraan sawiro lagu soo qaaday dhanka dayax gacmeedka ayaa lagu sheegay in dhismaha warshadaan ay ka taageereyso dowlada Iiraan.

Gantaalaha oo loo yaqaan IDF ayaa Israa’iil sheegtay in ay farsameysay kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan.

Dhanka ururka ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo sheegashada xukuumada Tell Aviv oo ku aadan in ay bilowday dhisida warshada farsameysa gantaalaha oo ah kuwo loogu talagalay in lagula diriro diyaaradaha Dagaalka.

War saxaafadeedkan ayaa dhanka kale lagu soo koobay in kooxda Xisbullah ay dooneyso in gantaalahan ay u adeegsato burburinta kaabayaasha dhaqaalaha Israa’iil .

Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo maalmo ka hor uu dagaal xooggan dhanka xadka labada wadan uu ku dhax-maray millatariga Israa’iil iyo dagaalyahanada Xisbullah ee dalka Lubnaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this