Deeq A. Posted August 30, 2019 Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo safar dhulka ah uga soo uga soo ambabaxay Magaalada Hobyo oo uu ka socdo shirka ayaa waxa uu booqday Hospital-ka Guud ee deegaanka Gawaan oo hoos taga Degmada Hobyo Madaxweynaha ayaa waxa uu u kuurgalay marxaladaha kala duwan ee u shaqeeyo Hospitalka isaga oona qeyb qeyb loo geeyay qeybaha uu ka koobanyahay Hospital-ka. Waxa uu Madaxweynuhu inta uu ku guda jiray safarkiisa ku hakaday deegaanka Wasil halkaas oo uu dadka deegaanka kula hadalay waxa uuna uga Mahadceliyay sida wanaagsan ay ugu soo dhaweeyeen Wasil. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites