Deeq A. Posted August 29, 2019 Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay kulan casho sharaf ah oo uu u sameeyey Madaxweynaha Oromada ee dalka Itoobiya Mr. Shimelis Kulankan Casho sharafta ah ee uu Madaxweynaha Oromada u sameeyey Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ka qabsoomay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, waxaana looga wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga ganacsiga ee labada dhinac. Kulanka Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Oromada ee dalka Itoobiya Shimelis ayaa kusoo dhammaaday guul sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo la kulmay madaxweynaha degaanka Oromada appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites