Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaare Abiy Axmed Oo Doonaya In Hyundai Maalgashato Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Raysal wasaare Abiy Axmed oo hadda booqasho ku maraya dalka Koonfurta Kuuriya ayaa maanta booqdey xarunta shirkada weyn ee baaburta sameysa ee lagu magacaabo Hyundai, wuxuuna ku dhiiri galiyey in ay maal-gashato wadanka Itoobiya.

Raysal-wasaare-Abiy-Axmed.jpg

Sidoo kale waxa uu wada hadal la yeeshey shirkada weyn ee birta sameysa ee wadankaas laguna magacaabo POSCO, wuxuuna kala hadley suura galnimada in ay sii balaadhiyaan shaqooyinka ay ka wadaan wadanka Itoobiya.

Dhinaca kale, waxaa la qabtey kulanka ganacsiga Itoobiya- Kuuriya, kaasi oo lagu qabtey safaarada Itoobiya ku leedahay Kuuriya laguna dhiiri galinaayey ganacsatada Kuuriyaanka in ay maal-gashadaan Itoobiya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this