Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo beenisay inay ka baxday heshiiskii Ahlu Sunna

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusarameeb (SMN) – Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye oo la hadlay warbaahinta ayaa beeniyey in dowladda Soomaaliya ay ka baxday heshiiskii ay la gashay Ahlu Sunna Waljamaaca.

Wasiir Sabriye ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay weli dhowreyso heshiiska ay wada galeen labada dhinac.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in dowladda dhexe ay ku dadaaleyso sidii loo heli lahaa Galmudug oo loo dhan yahay.

Heshiiskan ayaa waxaa wada saxiixay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye iyo madaxa fulinta Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Halka hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/cod-1-guuleed-1.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this