Deeq A. Posted August 24, 2019 Cadaado (SMN) – Guddoomiyaha maamulka Camaara ee gobolka Mudug Yuusuf Salaad Maxamed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa beeniyey Xooggaga in Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi. Guddoomiyaha ayaa been abuur ku tilmaamay wararkaasi, wuxuuna sheegay inay faafiyeen dad leh dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi u daray in haatan xaaladdu ay degan tahay, islamarkaana howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ay ka sameeyeen halkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/cod-1-faadumo.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites