Deeq A. Posted August 22, 2019 Mahadaay (SMN) – Wararka laga helayo Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta kooxo hubeysan gaari ay la socdeen dad shacab ah ay ku rasaaseeyeen nawaaxiga degmada Mahadaay ee gobolkaasi. Gaariga oo ku sii jeeday tuulada Xabaal Daacuun oo waaqooyi kaga beegan degmadaasi ayaa la sheegay in kooxo burcad ah ay rasaas ku fureen, kadibna ay dhac iyo jirdil u geysteen dhammaan dadkii saarnaa gaarigaasi. Sidoo kale waxaa falkaasi ku dhaawacmay illaa saddex qof oo ka mid ah rakaabkii la socday baaburka la rasaaseeyey. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyey, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Cod-soofeysane.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites