Deeq A. Posted August 19, 2019 Madaxweynaha Puntland oo Dalacsiiyey Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Booliska Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr-61, Ogoosto 19, 2019 ku dalacsiiyey sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu Tixgeliyey: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa ciidanimo Wuxuu Xeeriyey: Waxaa G/Sare Caydiid Axmed Nuur Siciid loo dalacsiiyey derajada S/Guuto. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo dallacsiiyay sarkaal ka tirsan Booliska appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites