Sign in to follow this  
Deeq A.

Alshabaab oo xalay weeraray taliska ciidanka Soomaaliya ee Bariire.

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa weerar culus oo dagaal yahano katirsan Alshabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.

Waxaa dagaalkaani bilowday kadib markii malayshiyada Alshabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya gaar ahaan kuwa DANAB ay ku leeyihiin duleedka deegaanka Bariire 

Taliyaha Ciidamada lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka Al-Shabaab ku soo qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda,isla markaana ay uga dileen in ka badan 20 dagaal yahan.

“Waxaan xaqiijineynaa in aan khasaaro badan gaarsiinay Al-Shabaab, 20 ka tirsan ayaa ciidamada dowladda ku dileen duleedka Bariire, kadib markii ay isku dayeen inay soo weeraraan saldhiga ciidamada ee Bariire”, ayuu yiri Janeraal Odawaa.

The post Alshabaab oo xalay weeraray taliska ciidanka Soomaaliya ee Bariire. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this