Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Sirdoonka Kenya oo u hanjabay Musharaxiinta kasoo hor jeedda Axmed Madoobe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho-(Caasimada Online)-Xog hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaa banaanka soo dhigeysa in saraakiil ka tirsan Sirdoonka Kenya ay magaalada Kismaayo kulan qarsoodi ah kula qaateen,  qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimo ee maamulka Jubbaland.

Saraakiisha ka socotay Sirdoonka dowladda Kenya ayaa la sheegay inay musharaxiintaas hor dhigeen dalab ay wateen oo ahaay inay taageeraan musharax Madaxweyne Axmed Madoobe, oo lagu xagliyo inuu taageero wayn ka heysto dowladda Kenya.

Mas’uuliyiin ku sugan magaalada Kismaayo oo naga codsatay inaanaa Warbaahinta u adeegsan magacooda ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in kulankaas ay saraakiisha kenyaanka ah la qaateen musharaxiin ay ka mid yihiin Cabdinaasir Seeraar oo si weyn uga soo horjeeda siyaasadda Axmed Madoobe aadna ugu dhaw madaxda federaalka iyo musharax Madaxweyne Cabdi Cali Raage.

Saraakiisha ka socotay Sirdoonka Kenya ayaa musharaxiintaas ugu hanjabay in haddi aysan taageerin Axmed Madoobe ay Kenya kusoo rogi doonto xayiraad dhaqaale iyo mid socdaalba, waxaana xusid mudan in musharaxiinta loo hanjabay ay yihiin kuwii lagu xaglinayey inay taageerayaan madaxda dowladda dhexe.

Doorashada Jubbaland ayaa wajahaysa loolan aad u xoogan oo ay ka dhex muuqdaan dowladaha deriska la ah Soomaaliya, kuwaas oo ay ugu cad-cadyihiin Kenya iyo Itoobiya oo iyagu kaleh dano kala duwan.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale sheegtay inay aad u saluugsantahay habka uu guddiga doorashada Jubbaland u wado howlaha doorashada, hadii aan wax laga badalina ay Jubbaland ku qeynayso taageeradooda.

Dhinaca kale madaxda dowladda dhexe oo iyagu aan tagi karin magaalada Kismaayo, ayaa ku goodiyay in aysan aqbali doonin natiija kasta oo kasoo baxda howsha ka socota Kismaayo.

Dowladda dhexe ayaa sheegtay in qorsha uga degsan doorashada Kismaayo uu yahay in marka hore ay Kismaayo ku qabato shir dib u heshiisiin ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this