Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo shaaciyey magacyada iyo qabiillada raggii isku qarxiyey Awdheegle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigay magacyada iyo qabiiladii ay ka dhasheen labadii nin ee isku qarxisay xerada Ciidamada dowladda ee Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha hoose.

Idaacada ku hadasha afka Shabaab ee Andalus ayaa laga baahiyay wareysiyo laga qaaday labadan nin oo ka hadlaayay Ismiidaaminta ay fulin doonaan iyaga oo sheegay inay doonayaan sida ay hadalka u dhigeen dhiigooda shacabka inay ku badbaadiyaan.

Muxamed Deeq Ibraahim Aadam oo ahaay ninkii kaxeynaayay gaarigii koowaad ee isku qarxiyay Xerada Awdheegle ayaa Al-Shabaab waxa ay sheegtay inuu u dhashay qabiilka Dir Gaadsan.

Nuur Ibraahim Xasan Gaabow oo isagana ahaay ruuxii labaad ee kaxeynaayay gaariga kale wuxuu u dhashay qabiilka Jilible ee dega Gobolka Bakool, sida ay sheegtay kooxda Al-Shabaab.

Labadan nin oo dhalinyaro ahaay ayaa ka tirsanaay Kooxda isqarxinta Shabaab, kuwaasi oo ugu dambeyn naftooda ku waayay qaraxyadaasi ay fuliyeen.

Al-Shabaab ayaa waxaa u buuxa dhalinyaro badan oo ku qoran maktabka nooca loo yaqaan Isqarxinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this