Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Horseed Oo Tababar Adag Ku Sameeysay Magaalada Casablanca Ee Dalka Morrocco

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda kaalinta 2-aad sanadkan ka gashay horyaalka Somalia Premier League 2018-2019 ee Horseed ayaa sanadkan markii ugu horeesay ka qeybgalaysa ciyaaraha Jamaacada carabta oo lagu qabanayo magaalada Casablanca ee dalka Morrocco,xili tartanka loo bixiyay Mohamed VI Champions Cup.

77-1024x768.jpg

Guddoomiyaha Naadiga Horseed DR.Maxamed Axmed Maxamed ayaa Goobjoog u sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay kusoo laabtaan ciyaarahan,isagoo balanqaaday in xidigaha kooxdiisa ay samaynayaan da’daal dheeri ah,si ay taageerayaashooda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu soo hoyeen guulo waaweyn.

5-1-1024x768.jpg

Horseed oo ka socota Soomaaliya ayaa la ciyaaraysa naadiga Al-Zawra’a ee ka dhisan wadanka Iraq,iyagoo wada ciyaaraya kulankoodii ugu horeeyay ee tartanka Mohamed VI Champions Cup 2019 xidigaha kooxda Horseed oo goorsii horeesay la hadlay Goobjoog waxa ay sheegeen in ay si wanaagsan u diyaar garoobeen.

3-2-1024x768.jpg

Macallinka Horseed Cabdiwali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) ayaa isna sheegay in uu haysto ciyaartooy dhallinyaro ah kuwaas oo kaalin wanaagsan ka qaadan kara horomarka iyo guulaha kooxda ciidanka xoogga dalka ee Horseed marka loo eego ka qeybgalka tartamada dibadda oo ay mudo dheer ka dib kusoo laabteen.

7-1024x768.jpg

Ibraahim Maxamed  Maxamuud oo ah madaxa saadka ciidanka xooga ayaa guul u rajeeyay dhallinyarada ku ciyaaraysa magaca ciidanka xoogga Soomaaliya,isagoo sheegay in ay kooxdooda samaysay da’daal wanaagsan tartamada gudaha maadama ay ku dhameestaan kaalamaha hore ee horyaalka Soomaliya 2019.

6-1024x768.jpg

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Tababarka Ay Qaateen Xidigaha Kooxda Horseed

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this